Villa Somaliya oo Muuse Biixi usamaysay Olale Doorasho

Talaabada ay qaaday Villa Somaliya,waxay hiil utahay Muuse Biixi oo ay Doorashada ka caawinaysaa.

Waxa ay la mid tahay talaabada Xamar qaaday ee ka dhanka ah Ganacsiga xorta ah ee SL hadalkii ahaa….”PL waxay ku burburaysaa 24-Cisho”.kaasoo keenay in Deni taageero helo Kursigana kusoo laabto.

Maanta Shacabka SL waxay aaminayaan Muuse in uu yahay Siyaasiga kaliya ee badbaadin kara qadiyada SL noqota Jamhuuriyad Madaxbanaan.

Waxay kaloo fursadoodii yaraynaysaa Siyaasiyiinta kale ee dabacsanaa oo aan xagjirka ku ahayn aragtida gooni goosadka.

Aragtida ah in SL ka go’do Somaliya ee Shacabka caadiga ah ay qabaan waxba kama badalayaan talaabooyinkan,taa badalkeeda waa kusii fogaanayaan.

Dhanka kale,waxay muujinaysaa Dowlada Xamar fadhidaa in aysan masuul ahayn oo awoodaha loo Gacangeliyo ay si khaldan u adeegsanayso marka laga tusaale qaato Laba Arimood oo kala ah…

B.Cunaqabatayntii Diyaaradaha JL ee Farmaajo.

T.Cunaqabatyanta Ganacsiga SL.

Awoodaha kooban ee Xamar uheshay ruqsada caalamiga ah in loo isticmaalo Shacabka waa dambi Qaran oo sii fogaynaya rajadii Qaran mid ah oo Somaliyed.

Talaabada la qaaday,waa waxaan laga fiirsan la shiilin oo ku fadhida aragti fadhi ku dirir.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading