W.A.Dibada Jabuti oo ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf,ayaa ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Maanta ka dhacday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo Dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay.

Ilaa Lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar,ayaa ahaa mid qaatay ilaa Toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar,ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii Saddexaad.

Wareeggii Lixaad,ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22-Cod halka uu Yuusuf helay 26-Cod.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading