Waa kuma Cabdullaahi Nadiir hogaamiyaha muhiimka ahaa Ee laga dilay Alshabaab ?

Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdullaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa da’aada 44 jirka, isla markaana ay qoyskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed kaddib “Abaartii Cagabararka” ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992.

Cabdullaahi ayaa xilligaas da’diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dageen deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhanka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii dambena noqday macallin kumbiyuutar.

Markii uu si qarsoodi ah u soo shaac baxay ururka Al-Shabaab sanadkii 2004, waxaa la tilmaamay in Cabdullaahi Nadiir uu ka mid ahaa ragga aadka ugu dhow hoggaamiyhii hore Axmed Cabdi Godane, isla markaana uu ahaa gacan-yarihiisa.

Godane ayaa Nadiir u magacaabay xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa raggii diyaariyay barnaamijkii uu 2009 ururkaas aad ugu dhaliilay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilliyaas loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya.

Dadka ka warramay taariikhda Cabdullaahi Nadiir ayaa sheegay in markii uu Axmed Cabdi Godane si buuxda ula wareegay hoggaanka uu fursad u waayay saaxiibkiis Cabdullaahi Nadiir, sidaana uu ugu wareegay dhanka Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afghan) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Nadiir iyo Afghan ayaa noqday saaxiibbo dhow. Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa isku qabtay arrimo la xiriira hoggaanka ururka, waxaana taas ay keentay dagaalyahannada ururkaas inay bishii Juun ee 2013 Ibraahim Afghan ku dilaan Shabeellaha hoose.

Dilkii Ibraahim Afghan kaddib, Cabdullaahi Nadiir oo ay kala irdhoobeen saaxiibkiisii hore ee Godane ayaa u cararay gobolka Gedo, waxaana uu halkaas ku dhuumaalaysanayay in muddo ah.

Kaddib markii uu Mareykanka duqeyn ku dilay Axmed Godane bishii Sebteembar ee 2014, waxaa hoggaanka Al-Shabaab la wareegay Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubayda), kaasoo mar kale saaxadda ku soo celiyay Cabdullaahi Nadiir.

Waxa uu noqday madaxa Golaha Shuurada iyo sarkaalka ugu sarreeya maaliyadda. Sidoo kale waxa uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa waxa ay ugu yeeraan dacwadda.

Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin mayal-adag, oo ay ku fog tahay afkaarta gaalaysiinta ama waxa loo yaqaan takfiirinta.

Waxaa u dhaxday haweeney la dhalatay Xasan Daahir Aweys oo uu dumaal ahaan ku guursaday kaddib markii uu ka dhintay Walaalkiis.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading