Waa kuma Maamulaha cusub ee Canshuuraha Barriga Wasaarada Maaliyada Gobolka Karkaar?

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa si rasmi ah maamulaha canshuuraha Barigga ugu magacaabay Cabdiqaadir Cismaan Yuusuf, Maamulaha cusub ayaa mudo dheer ka shaqaynayay wasaarada maaliyada isaggoo dawr wayn ka qaatay kor u kaca dhakhliga iyo dhaqaalah Gobolka Karkaar.

1-8-2004 ayuu si rasmi ah shaqada wasaarada loo qoray, waxana uuna markaas ka bilaabay fuliye, 2 sano ak dib taariikhdu markay ahayd 17-12-2006 waxaa laga dhigay madaxa faraca toosan ee canshuuraha Barigga Gobolka Karkaar.

6-9-2016 waxaa si buuxda loogu magacaabay maamulaha canshuuraha Barigga Gobolka Karkaar, waxa uuna shaqadaas hayay mudo 7 sano isagoo gacan wayn ka gaystay horumarinta dhakhligga wasaarada Maaliyadda.
29-12-2017 ayaa laga qaaday xilkaas isaggoo loo magacaabay kormeeraha dakhligga ee wasaarada xilkaas ayuuna hayay mudo 2 sano ah.

16-11-2019 ayaa markale dib loogu magacabaay Maamulaha Canshuuraha Barriga wasaarada Maaliyada Gobolka Karkaar.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading