Waa kuma Shaqsiga loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare?

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] Inkasto ay sharci Daro tahay oo uusan Xaq u lahan in uu wareegto ku magacaabo ayaa waxaa loogu magacaabo Garyaqaan sare Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sarre ee Dalka.

Xilkaan waxaa laga qaaday Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo sababta xilka looga qaaday lagu sheegay kadib cabashooyin ay kasoo gudbiyeen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay qayb ka tahay dib u habaynta nidaamka Dastuurka dalka,

Shaqsiga cusub ee loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka,ayaa hada ah Agaasimaha Xarunta dhexe ee Xisbiga Wadani, ee Maamulka Somaliland.,kaasoo lagu magacaabo Baashe.

Baashe waxuu deegaan ahaan kasoo jeeda Degmada Seylac,ayaa sidoo kale soo noqday Agaasimihii Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada maamulka Somalialdn xiligii Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu ku biirin Xisbiga Waddani.

Waxaa xusid mudan in shaqsigii lagu bedalay Baashe ee ahaa Ibraahim Saleebaan uu isna soo qabtay jagada Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland.ka hor intaan loo magacaabin xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Fadaraalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo siyaasi kasoo jeeda Somaliland looga magacaabo Xil Dowlada Federaalka,


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading