Waa sidee Falcelinta Bulshada Ee Warqadii Boqor Burhaan?

Waxa iska badalay jawiga Magaalooyinka Puntland majiraan.

Dadku waxey dareemayaan go’aanka uu soo saaray Boqorku inuu dhinac la safan yahay.

90% Dadku waxay u arkaan Warkii Madasha Garowe oo go’aan Dhaqan lagu soo saaray umana leh tixgelin masiiriya Warqada Boqorka,markaad waraysato.

Dhaliil walba oo ay Deni uhayaan,waxay ku liqayaan dhawr arimood oo kala ah…..

1.Hogaamiye qiyam ku dhaama oo ay ku badashaan mahayaan.

2.Dhaqanka oo ay u arkaan kuwo Dowladnimada khatar ku ah.

3.Aaran iyo Ilmo Faroole oo ay ka fog yihiin.

4.Joogista Xasan ee Villa Somaliya.

5.SNM iyo gulufkeeda aan dhamaadka lahayn.

6.Dimuqraadiyada oo ay aad uxiisaynayaan.

Inkastoo Siyaasiyiinta qaar isku qancinayaan Shacab Masaakiin ah waxba kuma kordhin karaan Deni,hadana taas,waxaa Jawaab ugu noqon karta Mucaarad macno leh oo Deni wax ka ridan karaa majoogaan.

Bulshadu saamayn ayay isku leedahay,waxaana dareenkoodu wax ka badali karaa……

B.Ciidanka.
2.Siyaasada.
3.Ganacsatada.
4.Dhaqanka.

Warqadan waxba ma yeelin Deni iyo qorshihiisii ee Mucaaradka hubaysan ha gudbaan qorshahoodii Labaad haday wax ka ridan karaan.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading