Waxaa jiray Nin cadaan ahaa oo waayihii SSDF iyo Gobolada Waqooyi Bari haystay Hay’ad.
Markii shirkii Qaahira soo fashilmay oo la go’aansaday in la dhiso Maamul ay yeeshaan Daaroodka Bartamaha iyo Waqooyiga Dalka dega,ayaa loo baahday dhaqaalihii wax lagu dhaqaajin lahaa.
Ninkaas Cadaanka ahaa,ayaa loola tagay aragtidii ahayd Maamul dhisida,waxaana laga codsaday garabgal dhaqaale.
Waa soo dhaweeyay aragtidii Ninkaas Cadaanka ahaa,waxuuna balan qaaday in ay hay’adiisu bixinayso wax alaale iyo waxii dhaqaale ah ee ku baxaya dhismaha maamulkaas.
Balse hal shuruud,ayuu ku xiray,taasoo ahayd..
1.In aan Maamulkaas lagu darin Gobolada Sool iyo Sanaag.
Jilib culustii markaas hawsha ku jirtay ee uu ka mid ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf,waa ka fariisteen dalabkaas,isla gorfayn dheer kadibna waxay isla qaateen in aysan aqbali karin taas oo ay ku celiyaan Ninkii.
Markii laysku tagay oo lala kulmay Ninkii haystay markaas mid ka mid ah Hay’adihii ugu waa weynaa ee Qaramada Midoobey ka joogay Goboladii Waqooyi Bari,ayaa loo sheegay in uusan macquul ahayn dalabkiisu Goboladaasna aan laga reebi karin dhismaha Maamulka la qorshaynayo in la yagleelo.
Ninkii Cadaanka ahaa dhankiisa,isaguna waxuu cadeeyay in aysan maalgelinayn dhismaha Maamulkaas ilaa laga reebo Labadaas Gobol.
Haldoorkii hawsha waday waa kasoo dareereen la kulankii Ninkaas,waxayna qaateen kulamo ay uga tashanayaan sida ay wax yeeli karaa.
Dhaqaale xumo baahsan baa jirtay markaas,waxaana loo baahnaa lacag gaaraysa ilaa 300-kun oo dolar oo lagu dhiso Maamulkaas.
Kulamo kadib,waxaa la go’aansaday in laysku tashto oo la dhisto Maamulka.
Cabdullaahi Yuusuf,waxuu uyeeray Dadkii Hotelada Jiifka iyo Cuntada kulahaa Garowe iyo Ganacsatadii markaas wax la bidayay,waxuuna ka codsaday in ay wax daymiyaan oo Ergooyinka qaabilaan.
Ilaahay mahadii hawshii waa dhaqaaqday oo waa isku duba dhacday,waxaana soo xarooday Ergooyinkii loo baahnaa.
Halkaa iyadoo xaajadu marayso,waxaa Cabdullaahi Yuusuf lasoo xiriiray Xasan Cali Mire oo usheegay in Golaha amaanku ka fariisanayo arinka Somaliya laguna casumay Cigaal oo markaas ahaa Madaxweynaha SL.
Waxaa arinkaas isku xiray oo soo raacaya Cigaal Ninkii Cadaanka ah ee ufadhiya Bosaso mid ka mid ah Hay’adaha Qaramada midoobey ee diidanaa in Sool iyo Sanaag lagu daro Puntland.
Xasan,waxuu Cabdullaahi usheegay in uu aadayo Newyork si uu arinkaas uga daba tago.
Xasan,waxuu aaday Newyork oo ka bilaabay dagaal diblomaasiyadeed oo uu Golaha ugu gudbinayay xaqiiqda dhabta ah ee Somaliya.
Dadaalkiisii iyo galaagalkiisii waa mira dhalay,waxuuna ku guulaystay in Goluhu hoos udhigo xogtii Ninkaas uu kasoo gudbiyay Somaliya iyo qorshihii ictiraafka SL loogu olalaynayay.
Cigaal,waxaa New-york usii joogay Fagare oo markaas u ahaa Wasiirka arimaha dibada,waxuuna usoo sheegay in qorshahoodii lakala daadiyay oo uu yimid New-york Xasan Cali Mire.
Xasan,markuu kusoo laabtay Nayrobi,waxuu lasoo xiriiray Cabdullaahi Yuusuf iyo haldoorkii kale,waxayna usheegeen in dhismihii maamulka uu heer gabagaba marayo.
Haldoorkii markaas,waxay isla qaateen in marka la yagleelo Maamulka talaabada ugu horaysa Ninkaas Cadaanka ah,wax looga qabto.
Mudo yar kadib,waxaa la dhamaystiray Maamulkii Puntland,waxaana loo doortay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Wareegtadii ugu horaysay ee kasoo baxda Xaafiiskiisana,waxay noqotay in Dalka looga saaro Ninkii laga balansanaa.
Ninkii Cadaanka ahaa,waxuu qaadan waayay in Qabiilkii awooda yaraa ee baadigoobka ugu jiray Lacag kooban oo ay wax ku dhistaan ay mudo kooban oo deg-deg ah yeeshaan awood gaarsiisan in isagii ay Dalka ka saaraan.
Lacagtii lagu dhisay Maamulka Puntland,waxay noqotay 120-Kun oo dolar,balse waxaa laba jibaar ka dhigtay Aaran-jaan oo markaas soo ifbaxay kuna dhexjiray Gudiyadii loo xil saaray shaqada.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu ku aaday Liibiya socdaalkiisii ugu horeeyay,safarkaas oo Col.Qadaafi kusoo siiyay Puntland Lacag markaas ku filnaatay bixinta daymihii dhismaha Maamulka.
Afar arimood,ayaa ku jira oo laga faa’iday taariikhdan..
1.Muhiimada jiritaanka Puntland ay uleedahay Beesha Daarood iyo Somali weyn.
2.Ilaalinta Midnimada iyo isku haynta Dalka sida ay Puntland muhiim ugu tahay.
3.Sool iyo Sanaag in si gaar ah loo ilaaliyo sida ay waajib Dastuuriya ugu tahay Puntland.
4.Aaran-jaan sida ay waligood u ahaayeen Niman Nacfi ku mashquuulsan.
Ilaahay mahadii Turaaturooyinka Puntland soo wajahay 23-kii sano ee ay soo jirtay way kasoo gudubtay.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.