Wadaadkii Erdogan loolanka ku ahaa oo Geeriyooday

Fethullah Gulen, oo ahaa wadaad Turki ah oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee dhiigga badan ku daatay ee 2016, ayaa geeriyooday isagoo 83 jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga iyo baraha bulshada oo soo xiganaya dad isaga ku dhowaa.

Wararka,ayaa intaas ku daraya in Wadaadka oo musaafuris iskiis ah ugu noolaa dalka Mareykanka uu geeriyooday ka dib markii la dhigay isbitaal ku yaalla Gobolka Pennsylvania.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa Ninka Labaad ee ugu awoodda badan Turkiga, Gulen wuxuu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqa Gulen, oo ah bulsho Islaami ah oo awood leh kana dhisan Turkiga iyo qeybo badan oo dunida ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,syaa ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa Gulen isku daygii Afgambi ee 2016, balse Gulen,ayaa beeniyay eedeymaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading