Wadahadaladii dhexdhexaadinta Israa’iil iyo Falastiin oo ku dhow in lagu guulaysto

Aqalka Cad ee Mareykanka,ayaa xaqiijiyay in “horumar laga gaaray” wada-hadallada ay martigelisay caasimadda Masar ee Qaahira, dadaalka loogu jiro in heshiis xabbad-joojin ah laga gaaro dagaalka Gaza.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da William Burns, ayaa ka mid ah masuuliyiinta wada wadahadalada gar-wadeenka ka ah.

Madaxtooyada Masar;ayaa Jimcihii sheegtay in Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi iyo dhiggiisa Maraykanka Joe Biden ay ku wada hadleen khadka taleefoonka muhiimadda ay leedahay in Israa’iil iyo Xamaas ay muujiyaan dabacsanaan ku aaddan wada xaajoodka lagu doonayo in xabbad-joojin lagu dhaqangaliyo Gaza laguna sii daayo la haystayaasha.

Illo ka tirsan Masaarida,ayaa u sheegay Wakaalada Wararka France-Presse in wareega wada xaajoodyada “balaaran” ay bilaaban doono maalinta Axada ah oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiinta Masar iyo Qatar.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading