Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd soo gaartay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waaxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiir Omamo ayaa kulan la qaadan doonta saacadaha ay ku sugan yahay Muqdisho dhigeeda Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ay u timid Muqdisho casuumaad at u wado Ra’iisul Wasaare Rooble, oo todobaadka soo socda booqasho ku tagaya Dalka Kenya.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading