Wafti ka socda DF Soomaaliya oo u tagay kiiska Badda magaalada Hague

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa uu yahay inay gooboog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haya go’aanka Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto, iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka kasoo baxa Maxkamadda.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading