Waftigaan oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista hawada iyo GaroomadaPuntland Ilyas Cusmaan Lugatoor oo qayb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Biyaha, Tamarta iyo Macdanta Mareeyaha Wakaalada horumaarinta biyaha, Enjineero iyo Xildhibaano Cabdirixmaan Muuse Jaamac oo katirsan Baarlamaanka Puntlad ayaa waxaa maanta si weyn lagu soo dhaweeyey Degmada Boocame e Gobolka Sool, Iyadoona ay halkaas kusoo dhaweyeen Duqa degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan.
Ujeedka waftigaan ayaa waxaa uu ahaa sidii ay sahaan ugu sameeyn lahayeen gobaha laga fuulin kaaro Mashruuca biyoole ee ku yaala Gobolka Sool, waxaayna si gaar ah u tageen meelaha laga sameyn kaaro celinta biyaha socda sii ay ugu fa’iideystaan biyo xireenadaas dad, duunyada iyo beeraha.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.