Wafti ka socda Puntland oo u socdaalay Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa safar ugu ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur-Galbeed.

Safarka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ee Baydhabo ayaa ah mid ay uga qeyb-galayaan Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Koonfur-Galbeed.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa wefdiga Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa ku sii sagootiyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane. Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading