Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka FEIT oo gaaray Dhuusamareeb (VIDEO)

Wafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay gudoomiye kuxigeenka gudigga xalinta khilaafaadka maxamed Ibrahim barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading