Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Deegaanka Jubbaland oo soo gaaray Garoowe (VIDEO)

Wafti heer Wasiir ah oo kasocday Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dawlad-goboleedka Jubbaland, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay madaxda Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland.

Waftigaan kasocda Jubaland waxaa hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Mudane, Caydiid Saleebaan Xaashi, waxaana waftiga kamid ah xildhibaan katirsan Golaha wakiilada Jubaland, agaasimeyaasha wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland iyo masuuliyiin kale waxaana ay mudo dhowr cisho ah kulamo aqoon iswaydaarsi iyo kala kororsasho xaga aqoonta ah la yeelan doonaan wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading