Argagixisada,waxay Difaacooodu ku ururiyeen Gaatir-Oodan oo ah goob muhiim u ah dagaalka oo leh Difaacyo dabiiciya.
Ciidamada Difaaca Puntland iyo garab istaagooda weyn ee Imaaraadka,waxay wadaan duqayn joogta ah oo Caawaba socota,taasoo diciifinaysa,isla markaana burburinaysa dhufaysyada argagixisada.
Ciidanku halka uu Caawa ku sugan yahay,waxay ujirtaa Gaatir-Oodan 8-Km,waana inta ugu muhiimsan hawlgalka sifaynta argagixisada Wajigiisa Labaad.
Marka Gaatir-Oodan la galo,waxaa haraya 20-km oo Sheebaab ah oo aysan argagixisadu ku hakan karin oo durduro lagu gaarayo Dooxada.
Maalmo kooban kadib,waxaa lagu dhawaaqi doonaa in uu guulaystay Wajigii 2-Aad ee hawlgalka oo ahaa Turmasaale-Dhasaan,waxaana loo gudbi doonaa Wajigii 3-Aad oo ah sifayn Guud oo firxad.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.