Wakiilka xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyadoona siweyn loo soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle
Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.
Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago Dowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.