Gabadhan tacaddiga la kulantay waxay ku nooshahay xaafad aad u deggan oo ku taalla deegaanka Maganaaya oo ka tirsan magaalada Addis Ababa, sheekadeedana waxaa kasoo warramay wariye ka tirsan BBC-da.
Gabdho yaryar oo ilmo xambaarsan ayaa ka soo baxay daarad albaabkeeda uusan iga fogeyn. Marka aad gabdhaha iyo carruurta ay xambaarsan yihiin isu fiiriso waxaa markiba maskaxdaada ku soo dhacaya iney carruurtan aysan gaarin da’da guurka, iyagoo aan wakhtigii loogu tala galay gaarinna ay hooyooyin noqdeen.
Gurigi aan ku soconnay ee ay ku jirtay gabadha kufsiga loo geystay ayaan gudaha u galnay. Waxaan la kulannay gabar 23 jir ah.
Wajigeeda waxba lagama akhrisan karo waana gabar muuqaal ahaan aad u deggan.
Sanada ka hor marka ay u soo guurtay xaafadda uma imaanin shaqo raadin ama in shaqo la siiyo.
Balse Nasiib darro gabadhu waxay ahayd mid muddo shan sano ah uu soo kufsanayey walaalkeed, iyadoo halkan u timid si ay u hesho hoy ay kaga soo kabato dhibaatadii kufsiga uu walaalkeed kula kacay.
Dhibka soo gaaray ayaa wuxuu ku kallifay iney dadka oo dhan ka cabsato weliba ragga indha buuxa kuma eegi karto oo waa ay ka baqaneysaa,
“Noolal aad u adag oo xanuun badan ayaan soo maray”, ayey tidhi iyadoo weli dareensan xanuunki jireed iyo kii maskaxed ee soo gaaray inkastoo ay ku faraxsan tahay haddiiba ay nooshahay.
Gabadhan dadka oo dhan waa ay ka carartaa iyadoo u maleyneysa cid walba iney ka warhayso waxa ku dhacay, waxbarashadi ay billaawdayna mudda ka dib waa ay joojisay marka ay u adkeysan weyday kelinimadeeda iyo saaxib la’aanta ay kala kulantay ardyda ay wax wada baranayeen.Sidey wax u dhaceen?.
Walaalkeed ka weyn oo ah askari ka tirsan booliska ayaa gabadhan reerkooda miyiga ka soo waday isaga oo waalidkeeda u sheegay inuu waxbarayo walaashii.
Waxay ahayd 16 jir xilliga uu Addis Ababa keenayey haddana waxay jirtaa 23 sano.
Walaalkeed wuxuu ku noola guri kiro ah oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.
“ilma yar ayaan ahaa sida ay wax u dhaceen oo dhan ma xusuusto, mana awoodin xadgudub uu walaalkeey habeen iyo maalin igu sameeynayo inaan sheego, markasta oo aan dadka arko gaar ahaanna ragga iskadaa inaan dhibka igaaray la wadaagee waxaan ka cabsanayey dadka aan la kulmayo laftooda iney dhibaato kale ii geystaan” ayey tidhi.
Shanti sano oo ay walaakeed la nooleyd waxay sheegtay iney kala kulmeysay tacaddi dhanka galmada ah “Muddadaas wuxuu si joogto ah iigu geysanayay kufsi, saddex jeer uur ayaan yeeshay wuuna iga soo xaaqay ilmihii”, ayey tidhi.
Sidey shaaca uga qaadday inuu walaakeed kufsaday?.
Dhibaatooyinka dhanka maskaxda iyo kuwa dhinaca jirka ee ay ka dhaxashay kufsiga walakeed waxay ahaayeen kuwo aad u badan.
Waxay aad uga baqeysay cabsi gelintii iyo hanjabaaddii walaalkeed uga imaaneysay.
Laakiin fursaddeedii ugu horreysay waxay u soo dhawaatay marki ay gurigi ay shan sano degganyaaeen ee kirada ahaa ka guureen oo ay guri kale degeen.
Taasi waxay u noqotay fursad ay dibadda uga soo saarto dhibaatadi shanta sano ay qarineysay.
Maalin maalmaha ka mid ah haweeneydii lahayd guriga cusub ee ay kireysteen oo aad ula yaabtay xaaladda gabadha ay ku sugan tahay ayaa waxay si kadis ah u weydiisay: “Maxaadan dadka u soo dhex galeynin? ninkanna maxaad isku tihiin? iyo su’aalo la mid ah.
Labada su’aalood ee la weydiiyey waxay ahayeen kuwa ay jawaabtooda ku adkaatay, weyna awoodi weyday maalintaa iney haweeneydii jawaab siiso.
Maalintii dambe ayey gabadhii u timid haweeneydii guriga lahayd waxayna uga warrantay waxa ku dhacay oo dhan iyada oo aan waxba u hambeyn.
Haweeneydii oo aad uga naxday waxa ku dhacay gabadhan ayaa waxay gabadhi geysay saldhig boolis oo ku dhawaa.
Saldhigga booliska marki ay ku wargeliyeen ka dib waxay haddana aadeen urur ay leeyihiin haween sharci yaqaanno ah oo caawiya gabdhaha kufsiga loo geysto, waxayna la kulantay haweenkii qareennada ahaa.
Waaliddiinta gabadha arrintan maxay ka yirahdeen?
Arrinta gabadha marki ay gaadhay hay’adaha sharciga, waaliddiinta gabadha oo arrinta maqlay waxay ku yirahdeen Wiilkeenna waxaas ma sameynayo, waa gabar yar waxa ay sheegeyso ha ka rumeysanina ayey ku dhaheen.
Iyadoo arrintaas ka hadleysa ayey tiri: “Wxaa iigu sii darneyd walaasheey iga weyn oo leh walaalkeey inaad ceebeyso ayaad rabtaa waxa aad sheegeysana kama suurtoobayaan, ee warka beenta ah mar dambe yaanan kaa maqlin”.
“Hooyadeey mooyee dadki kale oo dhan sida qof nijaaseysan ayey iiga faanayeen, xataa askarti saldhigga booliska aan ugu tagnay wey iga rumeysan waayeen si wanaagsanna iima aysan qaabilin”, ayey tidhi.
Dhibaatada gabadhan soo gaartay ee aadka u foosha xun waxaa la kulma haween badan oo dunida daafaheeda ku nool.
Xaruunta hadda ay gabadhan ka shaqeyso ee lagu daryeelo dumarka waxyeellada kufsiga la kumay waxaa ka mid ah kuwo ay walaalahood, aabayaashood, awooweyaashood iwm ay kufsadeen, qaarkoodana haysta ilma ay kufsiga ku dhaleen.
“Anigu aqoon sharci ma lihi, laakiin marka aan eego waxa aan soo maray iyo sharcig sida loo meel mariyo, ma qurux badna arrimahaas” ayey tidhi.
Waxayna intaa raacisay: “ma habboona in rag badan oo falal kufsi ah geystay ay bannaanada iska socdaan oo mudankooda aan la marinin”.
“Sharciga haddii aan caddaalad ka waayey, waalidkeygana si waalidnima ah ay iila dhaqmi waayeen, waxaan marar badan ku fikiray inaan is dilo oo aan adduunka oo dhan is dhaafiyo”, ayey tidhi.
Gabdhan uu walaalkeed muddada 5-ta sano ah tacaddiga kufsiga ah u geysanayay waxay aad uga mahad celisay caawinaadda iyo la talinta maskaxeed ee ay ka heshay xarunta sharci yaqaannada haweenka ee la gula talinayo laguna daryeelo dadka kufsiga loo geystay ee iyada la midka ah.
Haddaba gabadhan dhibbanaha u ah walaalkeed waxay hadda ku sugan tahay xaruun lagu daryeelo dumarka tacaddiga kufsiga loo geystay, xaruuntaasi ayeyna ka shaqeysaa.
Xigasho:-BBC.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.