War deg-deg ah:-Qarax ka dhacay goor dhaweyd magaalada Muqdisho

Qarax ayaa Goor Dhow ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in Qaraxu uu ahaa mid lagu soo Xiray Gaari Nuuca Raaxada ah.
 
Gaariga Qaraxa lagu soo xiray ee ku Qarxay Agagaarka Isbitaalka Martiini ayaa la sheegay inuu ku dhintay Ninkii Qaraxa gaariga loogu xiray ee watay.
 
Illaa hadda ma jirto Cid sheegi karta Shaqsiga la beegsaday halka uu ka tirsan yahay,iyadoo Ciidamada Amniga ay goobta gaareen haddana ay Baaritaan ka wadaan.
 
Xalay ayay ahayd markii Ciidamo kawada tirsan Dwalada Fadaraalku ku dagaalameen agagaarka tarabuunka,dagaalkaas oo ay isku adeegsadeen hubka cul culus ,iyadoo daryanka madaafiicda laga maqlayay inta badan xaafadaha Muqdisho.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading