WAR DEG DEG AH: Wasiir Janan oo ka baxsaday xabsigii Muqdisho

Wararka hada ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Xabsi uu ku xirnaa uu ka baxsaday wasiirkii Wasaaradda Amniga jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan,kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u xirnaa dowladda Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Taliyaha,iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan ayay tiri’Taliye Zakiya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading