WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN ARDAYDA LAGA JOOJIYEY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 12-AAD

Garowe, Maajo 12, 2024;

Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, iyadoo ka jawaabaysaa cabashada Ardayda iyo Waalidiinta ee lagu baahiyey baraha bulshada, taas oo lagu sheegey in Wasaaraddu ay u oggolaan weydey qaar ka mid ah ardayda Dugsiyada Sare ka qayb-galka imtixaanka shahaadiga ah, Wasaaraddu waxay soo saartay;

1. Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ardaydan oo tiro ahaan kooban marka loo eego tirada guud ee aradayda u fariisan doonta imtixaanka fasalka 12aad, looga joojiyey kaqaybgalka imtixaanka shahaadiga ah sabab la xiriirta inaysan buuxin qaar kamid ah shuruudihii laga rabay ardayga u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, taas oo ay iyaguba caddeeyeen.

2. Wasaaraddu waxay tixgelin gaar ah siin doontaa duruufaha dhaqaale ee ardaydan si loo xaqiijiyo gaaritaanka hadafkooda waxbarasho, iyadoo masuuliyad la iska saarayo sidii loo suurtagelin lahaa habkii ardaydu u dhammaystiran lahayd waxbarashooda loogana xallin lahaa culeyska dhaqaale ee dhanka waxbarashada.

3. Wasaaraddu waxay baaritaan gaar ah ku samayn doontaa xogta waxbarasho ee ardaydaan, dugsiyada ay dhiganayeen iyo cidda ka masuulka ah lugooyada lagula kacay, iyadoo la magacaabi doono guddi warbixin dhammaystiran ka keena si tallaabada iyo go’aanka ku habboon loo qaado.

4. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxaa ka go’an ilaalinta iyo dhowrista Tayada waxbarashada si loo hubiyo hirgelinta iyo fulitaanka siyaasadda tayadhowrka waxbarashada.

DHAMMAAD.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading