Warar dheeriya oo uu ku jiro kulanka Madaxweyne Deni iyo Ra’isalwasaare Abiy

Madaxweyne Deni Maalinka Berri foog ah,waxay Adis ku kulmayaan Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo.

Kulankaas kadib 10-ka ama 11-ka,waxuu kusoo aadan yahay Garowe caasimada Puntland,sida ay ii sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada.

Afar Cisho kadib imaanshihiisa dib,ayuu ugu laaban doonaa Imaaraadka Carabta,isagoo u aadaya arimo ugaar ah shaqsiyan,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil Madaxtooyada ka tirsan.

Socdaalkiisa Labaad lama yaqaan inta uu qaadan doono hadii rabbi idmo.

11-ka Bishan,waxaa ku eg mudadii Dastuurku u ogolaa in Madaxweynuhu Wadanka ka maqnaado.

Garowe,waxaa si weyn uga socda qaban qaabada Shirweynaha macnaha leh ee Mucaaradka Puntland oo ay kasoo qaybgalayaan ku dhawaad 250-Xubnood oo ubadan Siyaasiyiin miisaan leh iyo haldoor kale.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading