WARARKII U DANBEEYAY EE ETHIOPIA

WARARKII U DANBEEYAY IYO ETHIOPIA

Waxaa soo baxaya warar aad u foolxun oo kasoo baxaya qalalaasaha ka dhacaya wadanka Ethiopia gaar ahaan caasimada iyo deegaanka Oramada.

Waxaan idiin xaqiijinayaa in xogta la qarinayo ee ku saabsan xasuuqa loogaystay shacabka Amxaarada ee dhex deganaa oramada iyo dadka ku dhintay difaaca ay ciidamadu ilaalinayaan dadkaas ay aad uga sarayso tirada lagu shegayo iyo sawirka laga bixinayo.

Waxaa magaalada addis soo galay kumanaan Orama ah oo cagta mariyay meherado iyo guryo ay ku tuhunsanaayeen inay leeyihiin Amxaaradu.

Xasuuq foolxun ayaa ka dhacay deegaamada oromadu degyo sidda; Ambo, Arsi, Shashamane, Asbatafari, Nasareed Jima iyo Jiro.

Waxaa la xidhay qaar ka mida Abagadeyaasha (suldaamada iyo waxgaradka) oramada, waxaa kala fogaaday kooxdii oramada ahaa ee wadanka qabsaday iyo Abiye oo ay ku jiraan ama ay kamid aahyeen saaxiibadiisii ugu cuslaa sidda; Lemma magersa, Shimalis adisu, Dhamalaash, Burhaane Jula iyo Abaadhule Gamade.

Abiye waxa uu si toosa ula wareegay sirdoonka, milatariga, Federal police ka iyo maamulka magaalada Addis Ababa.

Waxaa dhoolatusyo aan loo kala hadhin ka wada deegaanka amxaarada xabashidii xagjirka ahayd oo u buntufanaysa siday uga aargoosan lahaayeen Oramo.

Waxaa burburay nidaamkii iyo kala danbayntii wadanka oo dhan markii bandoo lagu soo rogay Caasimadii wadanka 24/7.

Waxaa xidhan dhamaan ilihii wax soo saarka iyo isusocodii wadanka. Waxaana laga cabsi qabaa inuu boob iyo budhcadyo ka dilaacaan wadanka oo dhan.

Waxaa la filayaa inay Dhalinta Qeero go’odoomin doonaa caasimada iygoo xidhaya dhamaan wadooyinka soo gala magaalada, la wareegaya ceelasha biyaha, fadhiisinaya mashiinada dabka u dhaliya caasimada taaso oo keeni doonta in layscuno.

Waxa la saadaalinayaa in haddii ay taasi dhacdo inay ku qasbi doonto Abiy inuu xilka ka tago oo dawlad kameel gaadh ah ladhiso ama wadanku burburo.

WQ: Ahmed Absiye


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading