Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ka ruqaansadeen Dhirin Saakay Aroortii,iyagoo Sadex Guuto ah oo kala haysta Sadex Jiho.
Waxay Cagta sii mariyeen Qurac oo ay udhaafeen dhanka Dhadaar iyo Dhasaan.
Ilaa iyo hada Ciidanka,wax iska caabin macno leh kama hor imaan,waxayna usocdaan si taxadar leh oo ay ku jirto Miino saarid.
Khasaaraha argagixisada?
B.Waxay Ciidanku fashiliyeen koox argagixisadu ugu talagashay Dhabarjabin iyo Miino Aasid.
T.Waxay Ciidanka PL dhexgaleen isgaarsiintii argagixisadu kuwada xiriiraysay.
J.Waxay Ciidanka PL soo saareen 34-Miino.
2.argagixisadu,waxay ukala jabeen Somali iyo Ajaanib.
Khasaaraha Ciidanka PL?
B.Majirto Dhimasho ama Dhaawac.
T.Majirto Gaadiid laga gubay.
J.5-Drones oo ay soo kicisay argagixisadu Dhulka,ayaa la dhigay oo waxaa si wacan ushaqeeyay Qalabkii looga hor tagayay.
Argagixisada iyo Dhulka lagu sheegay?
B.Xaabley oo dhanka Dhadaar iyo Dhasaan ah.
T.Geelmaqaade,Dabadheere iyo Godka Dul oo dhanka Buruc iyo Bacaad ah oo lagu arkay 20-30 Argagixiso ah.
Yoolka Ciidamada Difaaca Puntland,waa Uhda argagixisada ay ku harsan tahay ee Dhadaar,Dhasaan iyo Dhul 50-km ah.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.