Wararkii udanbeeyay Ee duqaymaha dhexmaraya Xisbulaah iyo Israa’iil?

Sannad kaddib markii uu billowday dagaalka Qasa, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Israel Isniinti Shalay is weydaarteen Madaafiic cusub.

Xisbullah,ayaa Gantaallo ku duqeysay Magaalada Saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi.

Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa.

Millatariga Israel ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israel Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen in gantaalladi ay ku dhaawacmeen.

Waxay kaloo sheegeen in koofurta Lubnan shalay looga dilay laba askari, taasi oo tirada askarta Israel looga dilay dagaalka Lubnan ka dhigeysa 11.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa iyaduna sheegtay in duqeymo ay ciidamada Israel ka geysteen deegaannada xadka Lubnan iyo Israel lagu dilay tobnaan qof oo ay ku jiraan 10 ka mid ah shaqaalaha dab damiska.

Tan iyo marki ay Israel billowday duqeymaha iyo dagaalka ay ka waddo Lubnan, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in la dilay ilaa 2,000 oo ruux.

Xigasho:-VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading