Wararkii udanbeeyay Ee khasaaraha Dhulgariirka Moroco

Dhimashada dhul-gariirkii waddanka Morocco ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo Qof, kaas oo sidoo kale burburiyay tuulooyin, waxaana uu ahaa dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa in ka badan 60-sano.

Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii Morocco,ayaa hal habeen isku urursaday meel bannaan ah oo ku taal buuraha Atlas Sabtidii, iyada oo Magaalada qadiimka ah ee Marrakech uu sidoo kale burbur weyn soo gaaray.

Wasaaradda arrimaha gudaha,ayaa sheegtay in 2,012 qof ay dhinteen, 2,059 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo xaaladoodu liidato.

Hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka,ayaa sheegtay in dhulgariir uu cabirkiisu dhan yahay 6.8 uu ku dhuftay meel 72 km (45 mayl) koonfur galbeed kaga beegan magaalada Marrakech.

Ku dhawaad dhamaan Guryihii ku yaalay Deegaanka Asni oo 40 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Marrakech,ayaa burbur soo gaaray, waxaana dadka Tuulada ay isku diyaarinayeen in ay ku hoydaan banaanka.

Reuters.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading