Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

GOLWEYN (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dagaal culus oo ka dhacay Degaanka Golweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ahaa dagaal culus muddo saacado ahna socday ayaa yimid kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Federaalku ay ku lee yihiin Degaanka Golweyn.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayaa dagaalkaasi ka dhashay,hayeeshee waxaa weli si rasmi ah oo la shaacin khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama ay aheyd xilli habeen ah badi dadka ay hooygooda ku wada xaroodeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay si aan dagaalkaas waxa uga weedyiino ayaa ka gaabsadeen,hayeeshee dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus.

Wararka ugu dambeeya ee saakay aan ka heleyno deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan  in xaaladu ay tahay mid degan,balse ciidamada dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading