Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Al-Shabaab (VIDEO)

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhexmaray deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobalka Mudug, Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo garab ka helaya Shacabka iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaidb markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Daraawsiihta Galmudug  ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka  uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

https://www.youtube.com/watch?v=NdI8m_IMXjI

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay & dad Shacab ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyagoo jooga guryahooda.

Magaalada Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan degaannada Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading