Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka soconaya Laascaanood

Dagaal culus ayaa maalintii 13aad ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, iyadoo ciidamada maamulka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan xaafadaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada Laascaanood.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii si lamid ah sidoodii joogtada aheyd ay ciidamada Somaliland si wadeen weerarada ay isku dayayaan inay kusoo galaan magaalada, halka dadka deegaankuna ay iska caabiyeen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aysan ciidamadiisu wadin duqeymaha ka soconaya Laascaanood, kol uu shalay ka hadlayay Madaxtooyada Hargeysa, taas wax lala yaabo ay ku tilmaameen isimadda dhaqanka SSC.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading