VIDEO: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho iyo Mucaaradka oo difaacyo sameystay

Waxaa degen deegaanadii xalay iyo shalay ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan golaha Shacabku u kordhiyay muddo laba sano ah.

Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex iyo qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama ayaa degen , waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo xaalada qiimeeynaya.

Wadahadalo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa suurtogeliyay in xaalada ay qabowdo inkastoo ay jirto weli kala shaki dhinacyada dagaalamay.

Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka laabtay isgoyska Km4 oo ay dagaalada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Almukarrama ku sugan ciidamo taabacsan midowga musharaxiinta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading