Wararkii ugu dambeeyay ee Degmada Balcad Iyo Al-Shabaab oo isaga baxday.

BALCAD (IDIL NEWS)-Dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo xalay dagaal ku qabsaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa isaga baxay Degmadaas xalay saqdii dhexe, Iyadoona ay dib qabsadeen Ciidamada Dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay muddo shan saac ku sugnaayeen gudaha degmada, iyagoo la wareegay saldhigga Booliska iyo xarunta Maamulka Degmada.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dib ugu soo gurteen dhanka Buundada, gaar ahaan Warshadda Dharka Balcad oo ay meel ku dhow saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay saaka caadi tahay, iyadoo xalay u aheyd habeen cabsi iyo walwal ah oo saacado lagu kor dagaalamayay.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah saldhigga Booliska iyo dukaan ku dhow Saldhigga, waxaana ay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd saldhigga.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii xalay, iyadoo maamulka degmada ay sheegeen inay sameynayaan tirakoobka khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading