Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo culus oo ka socda Gaalkacyo.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus weli ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga.

Ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Magaalada ka sameeyay howlgallo qorsheysay, kuwaas oo ay kusoo qab-qabteen dad kor u dhaafaya 100 Qof, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin ammaan darada Gaalkacyo.

Dadka lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu hayaa Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo, Iyadoona saraakiisha Ciidamadu ay sheegeen in lakala saari doono dadkan, loona gudbin doono Maxkamadda.

Howlgalkan ayaa saameyn ku yeeshay howl maalmeedyadii dadka, Sidoo kale Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa goobaha waxbarashada kasoo qabtay Dhalinyaro la sheegay inay qeyb ka yihiin Dadka Habeenkii wax furta.

Howlgalkan ka socda Gaalkacyo ayaa iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Isagoona ugu magacdaray “Caa’isho Maxay galabsatay”, waxaana Madaxweynuhu ku amray laamaha ammaanka inay talaabo ka qaadan cid kasta oo dhibaato ku ah amniga Gaalkacyo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading