Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax ka dhacay Muqdisho+Sawirro

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax goor-dhaweyd ka dhacay Isgoyska 14-ka October ee (EX-ZOOBE) ee Magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn looga dareemay qeybo kamid ah Magaalada.

Qaraxan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray gaari nuuca raaxada ah oo yaalay meel aan ka fogeyn Isgoyska ZOOBE oo wadada dhinaceeda ah, waxaana ka maqnaa gaariga xiliga qaraxa lagu xirayay ruuxii lahaa.  

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa ku dhaawacmay Qaraxaas, taas oo aheyd haweney ku sugneyd goob ganacsi oo halkaasi ku tiilay, sidoo kale waxaa gabi ahaanba dab qabsaday gaarigii qaraxa lagu xiray.

Gaariga markii uu qarxay kadib ayaa dadweynihii halkaasi ku sugnaa waxay gacanta ku dhigeen qofkii gaariga ku xiray walxa qarxa, maadaama ay arkayeen markii uu  gaariga ku xirayey qaraxa waxaana ay ku warejiyeen ciidamada ammaanka

Intaas kadib ciidamada amaanka oo goobta tagay ayaa risaaseyay dadkii halkaasi ku sugnaa, oo iyagu daminayay gaariga qarxay oo gubanaya, waxayna dadkii shacabka ahaa ku guuleysteen daminta dabkii ka dhashay gaariga.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading