Wararkii ugu danbeeyay Biyaha Qardho kusoo rogmaday

Last Update Qardho:-

1: Biyaha Magaalada soo galay ayaa guud ahaan saameeyay Xaafadaha, Marka laga reebo aaga kore ee Xorgoble, Guri iyo Goob ganacsi oo kale oo aysan gelin waa yartahay.

2: Guud ahaan Suuqii Magaalada ayaa biyuhu la tageen, Bakhaaradii raashinka, Kuwii Dhismaha, Suuqyadii Khudaarta iyo Caanaha, Kuwii adeegyada bulshada inta biyaa buuxa-dhaafshay.

3: Dhalinyaro is-abaabulay oo u badan intii Magaalada ku cawaynaysay ayaa gurmad fidiyay waxay gaareen Guryo dad ku go’odoonsanaayeen kuwaas oo u badan Aaga Gufure, Aaga Shimbiraale iyo Xingood Hoose qaarkeed.

4: Dawlada iyo Maamulka Gobolka Karkaar oo dhankooda is-kaashanaya ayaa iyaguna hawlo-shaqo waddo, Cafag-Cag ay dawladu leedahay ayaa dumisay guryo lagu go’doonsanaa iyadoo gurmad loo fidiyay dadkii halkaas ku jiray.

5: Gaari Nooca Xamuulka ah oo Sida 10 Neef oo Geel ah una socday Magaalada Boosaaso ayaa Aaga Xarunta Gobolka Karkaar Yaal, Dadkii uun ayaa laga soo bad-baadshey.

6: Xaafadaha ku dhaw Buundada Qardho ayaa in-badan oo ka mid ah ay dumeen, Buundada laftigeeda in ay dhaawac qabto ayaa laga shakisan-yahay. Garaawida ayaana Kaantaroolada lagu celinayaa.

7: Koronta ayaa guud ahaan ka Maqan Magaalada, Dadka intooda badan taleefonadoodu waa ay ka dameen laysmana haleeli karro.

8: Weli si rasmi ah looma xaqiijiyin geeri laakiin xaafada qaar in dad ay biyuhu qaadeen ayaa la werinayaa. Dadkuna isumaba-warhayaan, isumana gudbi-karaan

9: Dadka qaarkood waxay saaran-yihiin derbiya guryahooda, Caruuro iyo Waalid ayaa guryaha qaar laga daad-gureeyay.

10: Biyaha ayaan weli maraya meelkasta oo Magaalada ka mid ah, inay soo bataan mooye sinaba uma yaraanayaan.

11: Dad biyo iska wateen kana dhex-qalinaya ayaa si kedis ah loo arkay, loona bad-baadiyay.

Mohamud nadiif shire


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading