Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas

Mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee Israa’iil ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa,ayaa lagu sheegay galitaankeeda qaybaha Waqooyi iyo Bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool Xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.

Illaa Shan Aag,ayuu dagaal qaraar ka socda,waxaana ugu daran kan ka socda Waqooyiga Galbeed halkaas oo ay galeen Tobannaan Taangi iyo Gawaarida Qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan Xeebta, waxayna gooyeen 6-7KM Gudaha Qasa.

Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.

Diyaaraddaha Israa’iil,ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah Kumannaan Barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog Degmada Qasa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading