Wararkii ugu danbeeyay duqaynta Israa’iil Ee Lubnaan

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa u sheegay Militariga dalkaas in ay sii wadaan awoodda buuxda oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Xisbullah.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan,ayaa sheegtay in ugu yaraan 92-Qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil maalintii Khamiista, iyadoo boqollaal kalena lagu dilay tan iyo markii duqaymaha ay sii kordhiyeen Isniintii.

Ururka Xisbullah,ayaa xaqiijiyay Geerida Madaxii qeybta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones, kaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka fulisay Koonfurta Magaalada Beyruut, ninka la dilay,ayaa lagu magacaabaa Mohammad Surur.

Mareykanka iyo xulafada kale,ayaa ku baaqay Xabbad joojin.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading