Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka ka socda Gobolka Amxaarada

Mareykanka iyo UK,ayaa ku biiray Sadex Waddan oo kala ah Japan, Australia iyo Newzealand, kuwaas oo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee Wadanka Itoobiya.

Rabshado dhawaan ka dhacay Gobollada Oromada iyo Amxaarada,ayaa horseeday dhimashada Dad Shacab ah iyo xasilooni darro”Ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen.

Khubarada arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa hore u sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda amnidarada ay ee Itoobiya wajahayso,waxayna Dowladda ugu baaqeen in ay xaalad deg-deg ah ku soo rogto Gobolka Amxaarada oo uu dagaal haatan ka socdo.

Dhanka kale, Israel ayaa shaacisay inay soo daad gureyneyso in ka badan 200 oo isugi jira muwaadiniinteda iyo dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Yuhuuda ee ku nool Laba magaalo oo ku yaala Gobolada dalkaas.

Gobolka Amxaarada,waxaa ku nool Kumanaan Qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Yuhuudda.

Dagaalka ka socda Gobolka Amxaarada,ayaa sii xoogeysanaya,kaasoo udhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Deegaanka ee Fano.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading