Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

Ciidamada Israa’iil weli waxay si joogta ah ugaraacayaan Magaalada Qasa Todobaadkii Labaad.

Maanta,waxay dileen Ciidamada Israa’iil 12-Falastiiniyiin ah,waxayna tirada guud ee Falastiiniyiinta Geeriyootay ka dhigaysaa 5000-Qof,kuwaasoo ubadan Caruur.

Ra’isalwasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil,ayaa ku booqday banaanka Qasa Ciidamadooda,waxayna ku dhiirigeliyeen in ay guul kama danbays ah gaari doonaan.

Madaxdii Xamaas ee dagaalka geliyay Shacabka Qasa,waxay uga baxsadeen weerarada khatarta ah ee Israa’iil Qatar iyo Turkiga.

Si gaar ah hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya,waxay isaga iyo Qoyskiisu degan yihiin Qatar oo ay ku haystaan Nolol sare,waxayna ku dhoofaan Baasabooro Turki ah.

Dhanka kale Ciidamada Maraykanka,ayaa burburiyay Sadex Daroon oo ay Xuutiyiinta Yemen ku weerareen Fariisimo ku yaal Iraq iyo Siiriya oo ay leeyihiin Maraykanku.

Iran waxay ugu baaqday Wadamada Carabta Cunaqabatayn Saliidda ah oo lagu soo rogo Israa’iil,waxaase ka diiday Ururka Opec.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading