Ciidanka Difaaca Puntland,Ururada Onkod ee uu la socdo Gudoomiye Hoori iyo mid ka mid ah Ururada Ciidamada Difaaca PL ee Mudug kasoo ruqaansaday,ayaa qarka usaaran in ay galaan Turmasaale.
Dhanka kale Ciidanka Lugta kusoo socda Urur ka mid ah iyo waxaa ishelay 40 Nin oo argagixisada ah.
Hoobiyayaal iyo Xabad kulul oo lagu asqaysiiyay darteed,waa carareen,waxayna sii gubeen Talisyo dhawr ah oo ay lahaayeen,waxayna isku shubeen Turmasaale Taliskii ahaa.
Ciidanka Difaaca Puntland ee Lugta ku daba socda,waxay kusii jeedaan Taliska weyn.
Sida muuqata Argagixisada Daqiiqado ka badan ma hor fadhiyi karaan mana ku wajihi karaan Ciidanka Puntland dagaal ka fool ka fool ah.
Saraakiidha Ciidanka Puntland ee hawlgalka ku jirta,ayaa Warbaahinta Idil News usheegay in Toga-jeceel la nadiifinayaa dhawaan laguna qaban doono Shir jaraa’id Deegaanka Dhaadaar hadii rabi idmo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.