Wararkii ugu danbeeyay Ee khasaaraha ka dhacay saldhiga Ceel la helay

Argagixisada,ayaa soo bandhigtay Maydadkii iyo Gaadiidkii dagaalka ee ay ku qabsadeen Saldhigii Ceel-la helay.

Sida ay xaqiijinayaan Ilo Madax banaan Ciidamo lagu qiyaasay 70- 400,ayay argaguxisadu ku laysay Saldhigaas.

Sidoo kale,waxaa tiradaas dhimatay ku jira Macawisley Dowladu soo abaabushay oo ubadan Beesha Duduble.

Waxaa aad loo dhaliilayaa Maleeshiyo Macawisley ah kana soo jeeda Beesha HG oo intaan argagixisadu soo weerarin Saldhiga,iskaga baxay.

Kala shaki weyn,ayaa jira oo dhanka Maleeshiyaadka Beelaha,Ciidanka DFS iyo kuwa Galmudug ah.

Waxaad moodaa argagixisadu in ay xooga saarayso sidii dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo Jidgooyo ay dagaalkooda ugu ubadalai lahaayeen,waana mida keenaysa in Ciidanku fariisimahoodi ku nabadgali waayeen halkii ay iyagu weerar ahaan lahaayeen oo iyaga weerar lagu yahay.

Jibril Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading