Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka sifaynta argagixisada

Saakay firxadkii argagixisada,ayay ku heleeleen Ciidanka Difaaca Puntland Aaga Tasjiic,wayna ka dileen ku dhawaad 20-Xubnood.

Ciidanka,waxaa ka Shahiiday Laba Askari,iyadoo ay ka dhaawacmern 7-da kale.

Sidoo kale Ciidamo Saad galbinayay,ayaa Askari ka Shahiiday,iyadoo dhaawac fudud kasoo gaaray Miino kula qaraxday Aaga Qurac iyo Darin ee Toga-jeceel.

Waxay kaloo Ciidamada Difaaca Puntland hawlgallo ka sameeyeen Isha Bilcil, Isha Daltoonle iyo qaybo ka mid ah Buuraha ku teedsan Toga-jeceel.

75%argagixisada,waa laga adkaaday guud ahaan Puntland,xataa kuwa Buurta Calmadow,waxay ka mid noqonayaan 25% ee harsan oo ma awood badna.

Buurta Calmadow,waxaa ku jira 234-Nin oo Awr dhawr ah loogu keeno Saad,baqaya oo go’ doon ah una badan reer Koonfur oo Maalin walba Qaybi baxsato,waxaana ku filan hal weerar.

Khudbadii Deni kadib taageeradii Shacabka ee dagaalka,waxaa galay habacsanaan oo waxay u arkeen Olale Doorasho,mana danaynayaan Olale Nin leeyahay in ay ka Shaqeeyaan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading