Wararkii ugu danbeeyay idka hor Duqaymaha Xisbulaah iyo Israa’iil

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tobaneeyo gantaal lagu garaacay waqooyiga Israa’iil saacadihii hore ee saaka.Markii hore shan gantaal ayaa la ogaaday in la ganay “qaarkood waa la qabtay inta soo hartayna waxay ku dhaceen meelo bannaan,” sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil.

Intaas kadib 50-Gantaal oo kale,ayaa laga helay aagga Sare ee Galili, sida ay milatariga Israa’iil sheegeen.

Inta badan waa la qabtay Gantaallada laakiin waxaa jira xoogaa burbur ah oo soo gaaray dhismayaal, dab-damiskana waxay ku hawlan yihiin daminta dabka, ay sababeen gantaalladaas.

War qoraal ah oo ay soo saartay Xisbullah ayay ku sheegtay in ay ku duqeysay deegaanka Qiryat Shmona “gantaal badan”.Qiryat Shmona waxay ku taal aagga Sare ee Galili ee waqooyiga fog ee Israa’iil.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading