Wararkii ugu danbeeyay iska hor imaadka Israa’iil iyo Falastiin

Dhimashada Guud ee ka dhalatay weerarrada kooxda Xamaas ee Israa’iil,ayaa kor u dhaafaya 600-Qof,waxaana in ka badan 250-Mayd laga soo saaray goob ay ka socotay xaflad Muusig, meel ku taal Koonfurta Israa’iil.

Dhanka Qasa, in ka badan 400-Qof oo Falastiiniyiin ah,ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay fulisay.

 

Millateriga Maraykanku waxay Maraakiib iyo diyaarado dagaal geeyeen Bariga Mediterranean-ka, taasoo qayb ka ah taageero dheeri ah oo Aqalka Cad u ballanqaaday Israa’iil,isla markaana waxay direen gargaar kale oo dheeri ah oo ay ku jiraan Rasaas.

Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan iska horimaadkan,ayaa ka socda New York.

Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay,ayaa sheegay in weerarka Xamaas uu yahay 9/11-kii Israel.

Sidoo kale Safiirka Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobay,ayaa isna dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto sababaha keenay khilaafka, ka hor inta arrimaha aan la wajihin.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading