Wararkii ugu danbeeyay Rasaasta Caawa ka dhacday Burco

Ciidamada RRU,ayaa kala cayriyay Dhalinyaro Hub ku urursanayey Xaafad ka mid ah Magaalada Burco.

Qaar waa la qabtay,isla markaana qaar way baxsadeen,sida wararku sheegayaan.

Beri ama Saadanbe,ayaa Golaha Guurtidu aqbalayaan soo celinta Madaxweynaha ee Xeerka Doorashada,kadibna,waxay galayaan 3-Bilood oo fasax ah,sidaana,waxaa ku baaqan doonta Doorashadii 2024 loo madlanaa.

Cidamada RRU iyo Booliska caadiga ah,ayaa heegan la galiyey,si gaar ah Magaalooyinka Burco,Ceeri-gaabo iyo Xaafada Koonfureed ee Hargaysa.

Sidoo kale Ciidan Beeleed Habarjeclo,ayay Dowladu qaramaysay,waxaana is afgaradka gaaray Caaqilo Beeshaas ah iyo MW Muuse Biixi.

Waxaa muuqata in Muuse uusan wax weyn iskaga tirinayn Mucaaradka oo qayb ka mid ah ay isagaba la socoto sida Faysal Cali Waraabe.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading