Wararkii ugu danbeeyay Shirka Turkiga Ee Somaliya iyo Itoobiya

Farmaajo iyo Abiy,wixii dhexmaray,ma ahayn xataa isfahan (MOU) iskabadaa heshiis in uu noqdo,kaliya,waxa uu ahaa wada sheekaysi Laba Nin.

Labadii wefti ee Somaliya iyo Itoobiya Maanta si toos ah iskuma hor fariisan,waa loo kala dabqaaday.

Waxaa jira war sheegaya in Caawa ay isla casheeyeen,balse,waxaa la hubaa in Beri si ka fool ka fool ah ay isku hor fariisan doonaan.

Inkastoo Taleefoonada Maanta laga damiyay si Shirka Xogtiisu usugnaato hadana,Caawa,waxaa la helay xog sheegaysa in Shirku kusoo dhamaan doono sida Somalidu rabto.

Itoobiya,waxay si buuxda uga laabanaysaa isfahankii SL ay la gashay,waxayna heshiis cusub oo Ganacsi la galaysaa DFS,sida xogtu sheegayso.

Laba War,ayaa jira oo kala sheegaya War Saxaafadeedka Itoobiya in uu soo baxayo ka hor kulanka ka fool ka foolka ah ama kadib.

Abiy,waxaa haysta cadaadis dhinacyo badan uga yimid,isaga,ayaana raadinaya meel uu ka baxo,waxayna utahay fursad kulankan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading