Warbixinta dagaalka sifaynta argagixisada Ee Maanta

Ciidanka Difaaca Puntland,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaanka Qurac iyo Dandamale oo ujirta Taliska Guud ee argagixisada ee Sheebaab 34-KM.

Ciidanku Maanta,waxay sifeeyeen 10-KM.

Saakay argagixisada,waxaa la garaacay,waxaana looga dilay garaacistaas 20-Nin.

Dagaal toos ah oo dhexmaray argagixisada iyo Ciidanka Difaaca PL,waxaa looga dilay argagixisada 28-Nin.

Waxaa jiray Niman Guri isku qariyay oo damacsanaa in ay Ciidanka isku qarxiyaan,waase la ogaaday oo waa lagu dumiyay,waana kuwa Sawiradooda lasoo bandhigay.

Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Difaaca P L,waa Gaari kuwa hawlgalka ah oo Miino la qaraxday,waxaana ku dhintay Hal Shihiid,iyadoo Lix kalena ku Dhaawacmeen.

Ciidanka haatan halka uu ku sugan yahay marka laga anba qaado,waxaa uharsan Laba Maalin dagaal oo ay ku gaarayaan…

1.Daramadow.
2.Gaatir oodan.
3.Sheebaab.

Sadexdaas hadii laga qabsado,argagixisada,waa jabeen,waxa harayna,waa firxad la cayrsanayo oo Miraale,Buq ilaa Baallade uu gaari karo firxadkooda.

Si gaar ah Sheebaab,waa halka Toga-jeceel ku dhamaado oo kasoo yaraado,isla markaana ay ku leeyihiin fariisinka ugu weyn.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading