Turmasaale: 04 March 2025: Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan Turmusaale, waxay maanta sameeyeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan firxadka Argagixisada Daacish sida dhuumalaysiga ah u aasa miinooyinka, Ciidanka ayaa isu maray deegaannada ku hareeraysan Togga-jeceel iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka Argagixisada Daacish.
Waxay Ciidanku isku fidiyeen Talisyadii iyo deegaanadii ay ku dhuumaalaysanayeen Argagixisadu, iyagoo halkaasi ka helay godadkay degnaayeen iyo agabkii ay uga carareen.
Ciidanka Dowladda Puntland ee ciribtiraya Argagixisada,waxaa ka go’an in ay Godkasta iyo meelkasta oo ay ku dhuumanayaan Argagixisada Daacish ay lug ugu galaan illaa ay ka ciribtiraan Puntland oo dhan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.