Wargalin:-Fasax Xarumaha Waxbarashada Degmooyinka; Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiran.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxa ay hakisay Iskuullada furan iyo Jaamacadaha magaalooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiran oo ay ku qabsoomayso doorashada tooska ah ee goleyaasha deegaanka.

Wasaaraddu waxa ay ogaysiinaysaa goobaha waxbarashada ee saddexda degmo in ay fasaxaan Ardayda iyo Macallimiinta inta u dhaxaysa 22-24 Luulyo 2024, maadaama qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ay ku qabsoomayso doorashada Golaha deegaanka degmooyinkan.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay faraysaa Maamuleyaasha iskuullada furan, Jaamacadaha iyo guud ahaan goobaha Waxbarashada degmooyin Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiran in ay ku wargeliyaan waalidiinta iyo ardayda, fasaxa maalmaha doorashada ee kor ku xusan.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading