WARGELIN DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA NUGAAL.

Ku: Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland Garowe
Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland Garowe

UJeeddo: Soo gudbin Heshiiska Xisbiyada ee

Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka Gobolka Nugaal.
Tixraac warqadda summadeedu tahay XWK/WAG//F/D/30/2024 kuna taariikhaysan September 25, 2024, kana soo baxday Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ujeeddadeeduna ahayd soo gudbin heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee ah Dhismaha Golaha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal.

Sidaa darteed, madaama qodobka 29-aad ee Xeer LR.7 Farqaddiisa 1-aad aysan ka hirgelin Doorashadii 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal, waxaa Xisbiyada Siyaasadda lagu wargelinayaa markii 2-aad in ay soo gudbiyaan qaabka ay ku dhisanayaan Degmooyinka kor ku xusan iyaga oo ku salaynaya qodobada uu siinayo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee LR.7.

Haddaba, maadaama Xubnaha Golaha Deegaanka la doortay ay xaq u liiyihiin in ay xasaanadda Xildhibaannimo qaataan, lana fariisiyo Golaha Deegaanka si ay ugu adeegaan bulshada, waxaa laga codsanayaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland in heshiiska Xisbiyadu ay Wasaaradda la soo wadaagayaan uu noqdo mid ay soo saxiixeen Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda ee saxiixa rasmiga ah leh, ugu dambayn 02/11/2024.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading