Wariye Coldoon oo Maxkamad lasoo taagayo

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in maanta la hor keeeno wariye CabdiMaalik Coldoon oo waayadii ugu danbeeyay  ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Wariyaha oo lagu eedeynayo in uu ku xadgudbay jiritaanka Soomaaliland, ayaa maanta hor imanaya maxkamada Hargeysa.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo eedeeyay wariyaha in uu ka qeybgalay uuka qeyb galay olole siyaasadeed oo la xiriira doorashadii madaxweynaha Soomaaliya

C/maalik Coldoon ayaa todobaad ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, kaddib markii uu ka tagay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa markii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhowaan sheegay in C/maalik Coldoon la soo taagi doono Maxkamad, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qaranimada Somaliland, sida uu yiri.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Wariye Coldoon oo Maxkamad lasoo taagayo"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading